Tigaadda tasawufka

Tigaadda tasawufka

by Axmed Ibraahin Cawaale

Browse books you can read free on Readfeed

No club is reading this yet — be the first to start one

Start a club free
About
"Buuggani waxa uu ka hadlayaa Suufinimada ama Tasawufka. Waxana uu ka fal celinayaa weyddiimo ay ka mid yihiin: Muxuu yahay Tasawufku? Sidee ayaa uu ku bilaabmay? Tasawufka dhabta ahi muxuu kaga duwan yahay midka loo yaqaan "Suufinimada Caalamiga ah" ee beryahan dambe dhadhanka u yeeshay bulshooyin kala diin ah, hana ugu badnaadaan kuwo kasoo jeeda dalalka Galbeedka? Tasawufku wax ma ku biirin karaa furdaaminta dhibaatooyinka bulshooyinka adduunka heysta ee ay ka mid yihiin madhaan ruuxaaniyadeed, xasillooni la'aan gudeed oo uu weheliyo dareen macnedarro, hunguriweynaan iyo musuqmaasuq xadhkaha goostay, saboolnimo, qalalaase, dhiigbax, iyo burbur deegaan, intaas oo dhammaantood raadayntoodu waxyeello daran u geysanayaan arlada iyo noolaha kala duwan ee ku nool? Tasawufku maarayn (xal) ma u heli karaa dhibaatooyinka hadheeyay dunida Islaamka ee ay ka mid yihiin: Kala-qaybsanaan, isxasuuqid iyo dhagaro aan kala go' lahayn, jahowareer fikir, dulmi, musuqmaasaq, cadaadis, iyo kelitalisnimo? Si xulasho ku jirto, waxa uu buuggu ka hadli doonaa qodobbo ay ka mid yihiin: Tasawufka iyo dunida maanta; Tasawufka iyo Nabadda; Tasawufka iyo Deegaanka; Tasawufka iyo Musuqmaasuqa; Tasawufka iyo Jacaylka; iqk. Waxa kale oo uu Af Soomaali ku soo tebinayaa dhaxal suugaaneed oo ruuxi ah oo soo jiray ammin ku siman 800 gu'; ahna qaar ay innooga tageen Jalaal-ud-Diin Ruumi, Fariid-ud-Diin Cattaar, Raabica al-Cadawiyah, Junayd al-Baqdaadi iqk. Dhinaca kalena, dhiganahani ma aha baaq ku aaddan soodhoweysiga arrimaha qaarkood oo lagu duro qaar ka mid ah duruqa Suufiyada - kuwaas oo ay ugu mudan tahay weecsanaan caqiido. Hase yeeshee waa soo -bandhigid dhinacyo kala duwan wax ka iftiiminaya, kuna saaban wanaagga Suufiyada iyo in kaalinta ay ka geli karto maaraynta dhibaatooyin badan oo maanta adduunweynaha la deris ah."--

Discuss Tigaadda tasawufka with other readers

Join or start a book club for Tigaadda tasawufka on Readfeed. Live chat, shared reading progress, and AI discussion questions — free to get started.

Frequently asked questions

How do I join a book club for Tigaadda tasawufka?

Sign up free on Readfeed, then browse public clubs or start your own club with Tigaadda tasawufka as the current read. Invite friends with a share link and discuss together with live chat and AI discussion questions.

Can I discuss Tigaadda tasawufka with other readers online?

Yes. Readfeed book clubs let you chat live, share progress, and join discussions about Tigaadda tasawufka with readers worldwide — whether your club is virtual, in-person, or hybrid.

Is Readfeed free?

Yes. Creating an account and joining book clubs is free. Sign up to find readers who love the same books and start discussing today.